Raysalwasaaraha Falastiin: Aqoonsiga Dowlada Falastiin waa in la dhaqan-geliyo

Published: February 18, 2024

Ra’iisul wasaaraha Falastiin ayaa Axadii ku baaqay in Beesha Caalamka ka dhabeeyaan balanqaadkooda ah dhismaha iyo aqoonsiga dowlad Madax-banaan ee Falastiin.

Mohammad Shtayyeh oo khudbad kasoo jeediyey shirka amniga ee Munich, dalka Jarmalka ayaa yiri: “Dhammaan indhaha Caalamka waxay soo eegayaan dhibaatada heysata Falastiiniyiinta ee Gaza iyo Daanta Galbeed,” isagoo raaciyay: “Waxa loo baahan yahay waa xabbad-joojin deg deg ah iyo loo oggolaado gargaarka Caalamiga ah.”

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dhankooda jeclaan lahaayeen in lasii daayo dhammaan la haystayaasha iyo Heshiis labada dhinac gaaraan, hadii la waayo arrimahaasna ay musiibada sii socon doonto.

“Waxaan u baahanahay inaan ka gudubno ka hadalka dhismaha laba dowladood oo kala madax banaan ee waa in hada loo gudbaa dhaqan-gelinta,” ayuu yidhi.

Shirka Amniga ee Munich ayaa maanta oo Axad ah la soo gebagebeynayaa iyadoo ay khudbado ka jeedinayaan madaxda iyo wadahadallo heer sare ah oo looga hadlayo caqabadaha ammaanka ee caalamka, gaar ahaan arrimaha ku saabsan dagaalka Ukraine iyo Duulaanka Israa’iil ee marinka Gaza.

Horseed Media