Raysalwasaare Kheyre oo Bareeray, fariina u direy Dhuusamareeb

Published: July 9, 2020

Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre ayaa maanta oo Khamiis ah shir guddoomiyey shirkii caadiga ahaa ee golaha Wasiirada kaas oo ku qabsoomay habka Internet Konfrense, Shirka ayaa looga hadley intiisa baddan arrimaha doorashada waxaana khudbad ku soo geba-gebeeyey Raysalwasaare Xassan oo sheegey in Saacaddii ay timid.

Rayalwasaare Xassan Cali Kheyre waxa uu sheegay in golaha xukuumaddu ay go’aamiyeen qodobo muhim u ah doorashada oo ay ka shaqeynayaan kuwaas oo ay ka mid yihiin

Haddi muddo kororsi la sameeyo dalku wuxuu galayaa qalalaase taasna aan loo baahneyn sidaas darteed.

  • In doorashadu wakhtigeedi ku dhacdo oo aysan ka dib dhicin.
  • In Doorashada dhacaysaa ay tahay mid dadka Soomaaliyeed isla oggolyihiin,
  • In Xukuumaddu xoog saarto sidii doorashadu u dhici lahayd.

Arrintan waxay meesha ka saareysa laba arrimood.

  • Doorasho hal qof iyo hal cod ah in lagu xiro doorashada dhacaysa
  • Si taas loo hirgoliyo muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha Dowladda.

Haddaba waxaa muuqata in raysalwasaare Xassan Cali Kheyre uu bareeray, kana duwan yahay fikirkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku riyoonayey in dalka ay ka dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah, taasna uu ku heli karo muddo kordhin, inkasta oo Madaxweynuhu si duuduub ah u soo dhaweeyey qorshaha xukuumadda raysalwasaare Kheyre, laakiin waxa uu ku xiray doorasho dhacda in ay waafqsan tahay sharciga doorashooyinka, o dhigaya doorasho hal qof iyo hal cod ah, waxaana ay u ek tahay in uu fariin u dirayo Golaha Shacabka.

Fariinta ka soo baxdey Raysalwasaare Kheyre ayaa ah mid toos ugu socota shirka ka furmaya Dhuusamareeb, taas oo u ah dhiiri-gelin toosna ugu sheegaysa in ay horey u socdaan oo soo saaraan mid la mid ah kan Xukuumadda, si uu u noqdo qorshe umadda Soomaaliyeed wada taageertey, beesha caalamkuna soo dhaweyso.

Shirka Dhuusamareeb ayaa ahaa mid aan rajo weyn laga qabin in ay ka soo baxaan go’aamo dhiiran oo taabanaya arrimaha doorashada, marka la eego kala qaybsanaantooda, iyo qaar kamid ah oo aad u taagdaran kuna xiran Muqdisho. Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre ayaa xiriir wanaagsan oo gooni ah la leh dhamaan Madaxda Dowlad goboleedyada.

Maxay noqon kartaa jawaabta Xafiiska Madaxweynaha oo horey uga aragti duwanaa, waxaa jirey culeys siyaasadeed oo la saarey Madaxweynaha, taas oo wax ka beddeshey, Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweeyey soo jeedinta Xukuumadda, waxaana muuqata in aanu haysan fursad kale.

Sidoo kale waxaa la is weydiinayaa tallaabada ay qaadayaan shir-guddoonka Golaha Shacabka iyo qaar kamid ah Xildhibaanada, oo doonaya in awoodda iyo talada doorashada isku keli yeelaan, tallaabo kasta oo ay qaadi lahaayeen waxaa cadow ku ah wakhtiga oo ah mid aad u yar, waxaana u furan daaqad yar in ay ku sii socdaan qorshihii Muddo kororsiga, waa dhici karta in maalmaha soo socda la maqlo Xildhibaano abaabulaya, Mooshin is dulsaaran oo ah Muddo kororsi iyo Kalsooni kala noqoshada Xukuumadda, laakiin dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in raysalwasaare Xassan Cali Kheyre uu arrintaas ka gaashaantey, samaystey isbahaysi weyn oo dallad ah oo uu harsan karo maalamaha u haray. Sidoo kale muddo kororsi ay xukuumaddu ka soo horjeedo uu noqonayo shimbir garab la oo aan duuli karin oo aan meel dheer gaareyn, waxaana uu macne yeelan kari lahaa haddii Dowladda Federaalka oo dhan ku mideysan tahay, lagana iibiyo mucaaradka Muqdisho ku sugan iyo beelaha degganba.

Indhaha Soomaaliyeed oo dhan ayaa ku jeeda shirka Dhuusamareeb, maka faa’ideysan doonaan kubadda loo dhigey in ay goolka ku laadaan, mise waxay noqon doontaa fursad weyn oo aan laga faa’ideysan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxan uamalynayaaa inaaan wxbaa kasooo baxayn sababtooo ah maba jiroo ajandeee muhimaa ooo looogaa hdlayaaa shirkaaa ooo lalawadagay bulshadaa somaliyeed warjirabaa seee cakaaruu imaaan waaa sugayn waxaa inaka xigaaaa sacadooo koooban isha alllh