Rooble oo Beesha Caalamka ka codsadey taageerada Doorashada

Published: October 3, 2020

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in halkudhigga xukuumaddiisu ay tahay “Doorashaan ayaa loo dhaqaaqayaa”, isla markaana uu hoggaamin doono doorashooyinka dalka., waxaana uu baaq u direy beesha caalamka.

Raysalwasaare Rooble waxa uu warbaahinta u sheegay in doorashadan ay ka hormarsan tahay tii 2016, inkasta oo aanu wax caddeyn ah keenin, marka laga reebo eegooyinka oo 50 lagu daray, iyo deegaanka doorashada oo hal magaalo lagu daray.

Rooble waxa uu sheegay si doorasho xalaal ah oo daahfuran dalka uga dhacdo waxaa lagama maarmaan ah in doorashada loo raaco habraaca loo asteeyey.

Ugu danbeyntii Rooble waxa uu Beesha caalamka ka codsadey in ay taageeraan doorashadan si ay daahfurnaan ugu dhacdo. Beesha caalamka ayaan wax war ah oo danbe ka soo saarin Doorashada , waxaana wararku sheegayaan in aysan dooneyn in ay dhaqaale ku bixiyaan doorashadan oo ay sheegeen in ayba ka nidaam hooseyso middii 2016 oo ahayd tii ugu musuqa badneyd ee abid Soomaaliya soo marta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *