Raysalwasaare Rooble oo gaaray magaalada Mombasa, Kenya

Published: August 10, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Mombasa Dalka Kenya halkaa oo uu wadahadal kula yeelanayo Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta.

Rooble ayaa safarkiisa kusoo beegmayaa xili uu dhawaan qaadacay wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo sheegay in Xukuumad hada joogta aysan wax wadahadal caalami ah geli karin, arrintaasi oo uu Rooble sheegay inay ka horimaanayso dastuurka dalka oo xukuumada Awooda u siinaya in ay hawsha sii wado xiliga lagu jiro doorashada.

Wafdi ka socda dowlada Kenya oo ay hogaamineyso Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya oo maalmo kahor safar ku tagay Muqdisho ayaa u gudbiyey Raysalwasaaraha casumaada uga timid Uhuru Kenyatta.

Rooble ayaa sheegay in xukuumadiisa ka shaqeenayso sidii loo hagaajin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo dalalka saxiibka la ah iyo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho si nabad ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *