Raysalwasaare Rooble oo kulan la yeeshay Saraakiisha Amniga iyo AMISOM

Published: March 27, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka & guud ahaan dalka.

Kulankan ayaa imaanaya maalin kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu kulan isaguna la yeeshay Taliyayaasha ciidamada amniga ee dowlada Federaalka.

Weeraradii todobaadkii hore ka dhacay Madaarka Muqdisho iyo Magaalada Beledweyne ayuu Raysalwasaaraha horey u sheegay inay ahayeen kuwo qorsheysan oo isku xiran xili ay heer gebo gebo ah mareyso doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *