Raysalwasaare Xamsa: Dhulka Soomaaliya laguma qaadan karo Hanjabaad

Published: January 14, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPENS, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta waxbarashada dalka.

Raysalwasaaraha ayaa khudbadiisa uga hadlay damaca Itoobiya ay ku dooneyso dhul iyo badda Soomaaliya isagoo sheegay in Soomaaliya dhulkeeda difaacan doonto.

Xamsa ayaa si gaar ah uga hadlay Qawmiyada Oromada iyo Abiy Ahmed oo uu sheegay inay wadaan damac hore oo ah inay sheegtaan dhulka Soomaalida.

“…Dhulka Soomaaliyeed Hees iyo Hanjabaad laguma qaadan karo, ciddii soo hawesatana ay kasoo horreeyaan dhiig iyo xinjiro, ayna bixi doonaan iyagoo meyd xambaarsan waxna ka nooleyn..” ayuu yiri Raysalwasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu baaqay walaalaha Soomaaliyeed ee gobollada Waqooyi ee Somaliland inay u istaagaan difaaca dalka meel kasta oo ay joogaan, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damadac gurracan ee Itoobiya.