Raysalwasaare Xamse oo ka hadley xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland

Published: September 22, 2023
Shares44

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa waraysi uu siyey laanta afsoomaaliga ee VOA ayaa lagu weydiiyey sida uu yahay xiriirka u dhexeeya Dowladda federaalka iyo Puntland. Xamse ayaa labo u kala qaadey maamulka iyo shacabka Puntland waxaana uu sheegay in xiriirka dowaldda federaalka iyo dadka shacabka ah ee reer Puntland fiican yahay, laakiin maamulka uu qabo cabasho waayadan danbe, waxaana rajeyneynaa in aan cabashadaas aan xal ka gaarno ayuu yiri.

Waxyaabaha ugu weyn ee xiriirka xumeeyey ayuu ku sheegay in Madaxweyne Siciid Deni uu ka baaqdey shirarkii u dabeeyey ee Golaha wadatashiga, Xamse ayaa yiri annaga weli nooma soo gudbin qodobada rasmiga ah ee Puntland ay cabashada ka qabto.

Mar la weydiiyey cidda laga sugaayo in ay wadahadalka bilowdo ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin, wuxuu sheegay in isaugu rayslawasaare ahaan uu diyaar u yahay in beriba tago Puntland si loo xaliyo. Rayalwasaaraha ayaa sheegay, in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay Puntland oo maalmo badan ku maqnaa lakaiin Madaxweynaha Puntland aanu waxba u gudbin qodobada la doonaayo in laga heshiiyo.

Ugu danbeyn raysalwasaaraha ayaa sheegay in hadda ay soo dhawaatey doorashooyinkii Puntland haddana lagu jiro dhismaha goloyaasha deegaankii markii la dhamaystiro waxaan rajeynayaa in aan shir isugu nimaano ayuu yiri.

Puntland ayaa marar badan soo bandhigtey qodobada ay isku hayaan dowladda federaalka, kuwaas oo goobo kala duwan lagu soo bandhigey, waxaana u danbeeyey qoraalkii ka soo baxay guddiga wada xaajoodka ee Puntand u xil saarertey khilaafka kala dhexeeya Dowladda Muqdisho.

Horseed Media