Raysalwasaarihii UK, Liz Truss ayaa 45 maalmood kadib is casishey

Published: October 20, 2022
Shares4

Ra’iisul wasaaraha Britain Liz Truss ayaa tan iyo markii ay xafiiska timid la daalaa dhacaysay sidii ay u sii haysan lahayd awooddeeda ka dib markii ay soo wajahday dhibaatooyin siyaasadeed oo xiriir ah. Waxay ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii maanta oo khamiis ah.

Hadal gaaban oo ay siisay warbaahinta, Ra’iisul Wasaaraha UK Liz Truss Khamiista maanta ah ayaa ku dhawaaqday inuu dhammaaday waqtigeedii xafiiska – ka dib markii ay shaqada ku jirtay in ka badan lix toddobaad.

Truss waxa ay la kulantay dhaleecayn isa soo taraysa ka dib markii miisaaniyad yar oo cashuur dhimis ah ay soo bandhigtey bishii hore , taas oo oo sababtey suuqyada iyo lacagta giniga Ingiriiska hoos u dhac wayn .

“Waxaan xafiiska imid xilli ay jirto xasillooni darro dhaqaale iyo mid caalami ah,” ayey tiri Truss. “Qoysaska iyo ganacsatadu waxay ka walwalsanaayeen sidii ay u bixin lahaayeen biilasha, dagaalka sharci darrada ah ee Putin ee Ukraine wuxuu khatar gelinayaa amniga qaaraddeena oo dhan, waddankeenana waxaa dib u dhigay muddo aad u dheer kobac dhaqaale oo hooseeya.”

Truss ayaa is-casilaadeeda u gudbisey Boqorka Britian.

“Waxaan sii ahaan doonaa ra’iisul wasaare ilaa laga dooranayo qofka i bedeli doona.”

Xisbiga gtalada haya UK ayaan dooneyn doorashooyin la soo hormariyo taas oo la aaminsan yahay in xisbiga shaqaaluhu uu ku guuleysan doono.

Horseed Media