Rishi Sunak oo noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee UK.

Published: October 24, 2022
Shares4

Rishi Sunak ayaa lagu wadaa inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, isagoo bedelaya Liz Truss, Ra’iisul wasaarahii ugu wakhtiga yaraa ee taariikhda UK.

Sunak ayaa maanta oo Isniin ah ku guulaystey tartanka ka dib markii musharixii la tartamaayey, Penny Mordaunt, ay ku guuldareysatay inay hesho taageerada 100 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Conservative.

Markii ay ka baxday tartanka, Mordaunt ayey bayaan ku soo saartay Twitter-ka, iyada oo taageero buuxda u muujisay Sunak waxayna ugu baaqday Konserfatifka inay u hiiliyaan ra’iisul wasaaraha cusub.

“Dhammaanteen waxaa nagu waajib ah taageerada Rishi in aan u midowno oo laga wada shaqeeyo danta qaranka. Waxaa jirta shaqo badan in la qabto,” ayay qortay.

Raiiselwasaarihii hore ee UK Boris Johnson, oo sheegtay inuu haysto taageero ku filan dib ugu soo laabashada 10 Downing Street, ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay tartanka hoggaanka maalintii Axada.

Truss waxay iska casishay ra’iisul wasaare 20kii Oktoobar ka dib markii ay soo bandhigtey miisaaniyad yar oo ay ku yareynayso sicir bararka sii kordhaya iyo dhibaatada tamarta, taas oo canshuurta laga dhimayo shirkadaha waaweyn waxay ku guuldareysatay meelmarinteeda waxayna u dirtay suuqyada jahwareer. Waxa ay xilka haysay lix toddobaad oo kaliya, iyada oo noqotay Ra’iisal wasaarihii ugu wakhtiga gaabnaa taariikhda dalka.

Sunak, waa 42 jir asal ahaan ka soo jeeda Hindiya, waana nin hodan ah, oo ka mid ah dabaqada sare

Hanad Askar
Horseed media