Ron DeSantis ayaa ka haray tartanka doorashada hordhaca ah ee Madaxweynaha Maraykanka

Published: January 22, 2024
Shares24

Barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyey ololihiisa doorashada uu ku doonayey in uu ku noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee dhici doonta bisha Nofeembar 2024.

Ron DeSantis oo 45 jir ah ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa muuqaal uu soo dhigey barta X (oo hore u ahaan jirtey Twitter) fiidnimadii Axadda ee wakhtiga Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale muujiyay taageerada uu u hayo madaxweynihii hore ee Mareykanka ahna musharaxa madaxweyne Donald Trump.

“Waxay ii caddaatay in aqlabiyadda codbixiyayaasha horudhaca ah ee Jamhuuriga ay doonayaan inay fursad labaad siiyaan Donald Trump,” ayuu DeSantis ku yiri khudbadiisa.

DeSantis waxa uu ka baxayaa tartanka madaxtinimada wax ka yar laba maalmood ka hor doorashada hordhaca ah ee gobolka New Hampshire. Marka la eego ra’yi ururin, DeSantis wuxuu aad uga hooseeyaa Donald Trump iyo safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Nikki Haley ee New Hampshire.

Bilowgii, 14 musharrax ayaa u tartamay inay noqdaan musharraxa madaxtinimada ee Xisbiga Jamhuuriga – hadda waxaa soo haray labo kaliya, Donald Trump iyo haweeyneyda la yiraahdo Nikki Haley

Hanad Askar
Horseed media