Rooble iyo qorshaha uu ka lee yahay dhaarinta Xildhibaanada.

Published: March 31, 2022

Raysalwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatey guddiga doorashooyinka ee heer Federaal ee FIET, waxaana uu kala hadley sidii labada tobaad ee soo socda loo dhaarin lahaa xildhibaanada laada Aqal inta ilaa hadda la soo doortey oo ka badan 90% tirada guud ee labada Aqal.

Kulanka waxaa ka horeeyey mid uu la yeeshay Xoghaynta labada Aqal oo horey u codsadey in Baarlamaanka la mariyo si lamid Baarlamaankii 10aad, guddiga FIET ay iyaga dukumintiga ku wareejiyaan, shaqada dhaarintna iyagu lee yihiin, haddaba si labadaas aragtiyood oo kala fog loo mideeyo ayaa mar kale maanta Raysalwasare Rooble la kulmey guddiga FIET iyo xoghaynta labada Aqal.

Kulanka ayaa la isku khilaafey, kadib markii guddiga FIET laba ugu kala jabeen arinta shaacinta iyo dhaarinta, waxaana ay soo jeediyeen in la sii daayo kuraasta guddiga Khilaafaadku ay oggolaadeen oo aan la isku haysan, halka kooxda kale soo jeedisey in la raaco sida Raysalwasaare Rooble rabo. Waxaa soo baxdey in rayslawasaare Rooble doonayo in uu isbaaro ugu dhigto isaga oo isticmaalaya awooda guddiga FIET labo kursi oo kamid ah kuwa la soo doortey kuwaas oo kala ah kursi uu ku guuleystey la-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Xaaji Daahir Axmed iyo kursi kale oo laga soo doortey Baydhabo oo uu rabey in uu tartamo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaas oo Xildhibaan kale ku soo baxay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *