Rooble iyo Wasiirka Amniga oo Kormeeray xarunta NISA

Published: October 26, 2021

Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu wehliyo wasiirka amniga gudaha ayaa kormeeray xarunta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Booqashada Madaxdan ayaa timid asbuucyo kadib markii uu murran xoogan uu soo dhex-galay Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha, kadib xil-ka-qaadistii uu Raysalwasaare Rooble kusameeyey Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yassin.

Heshiiskii dhawaan la dhexdhigay labada dhinac ayaa lagu heshiiyey inuu xilka Agaasimaha uu siihayo Yassin Farey oo ahaa kuxigeenkii Agaasimihii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Fahad Yassin u magacaabay lataliyihiisa Amniga.

Xiisadan la xariirta NISA ayaa salka ku heysa kiiska Sarkaalad ka tirsaneyd hay’ada NISA Ikraan Tahliil oo la waayey habeenkii 26kii June ee sanadkan, iyadoona markii ugu danbeysay la sheegay inay ku sugneyd xarunta NISA ee Muqdisho, kiiskaas oo aan illaa iyo hada la xalin.

Agaasimihii hore Fahad Yassin iyo xubnaha sare ee NISA oo lagu tuhunsan yahay kiiskan inay wax ka ogyihiin ayaa ku gacan-seeray dalabkii Raysalwasaare Rooble uga codsaday inay usoo gudbiyaan xogta kiiskan, arrintaasi oo uu ka diiday Fahad Yassin, falkaasi oo soo dadajiyey xil-ka-qaadistii lagu sameeyey.

Qoraal kasoo baxay NISA laguna daabacay warbaahinta dowlada ayaa lagu sheegay in Ikraan ay dileen Al Shabaab, waxaana warkaasi beeniyey kooxdaasi oo iska fogeysay kiiskaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *