Rooble oo habka fogaan aragga ah kulan kula qaatay Wakiillada Beesha Caalamka

Published: March 21, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadaa Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle iyo hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wakiillada beesha caalamka kala hadlay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *