Rooble oo isugu yeeray taliyaasha ciidamada -DAAWO

Published: September 29, 2020

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa isugu yeeray dhamaan taliyaasha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka iyo kuwa gobolka Banaadir.

Raysalwasaare Rooble ayaa kala hadley Tataaliyaasha dardargelinta amniga, waxaana uu warbixin ka dhegeystey hawlgalada hadda socda.

Talkiyaasha ayaa warbixno ka siiyey raysalwasaaraha dardargelinta amniga hawlgalada ka socda gobolak Banaadir iyo albabaabka laga soo galo ee Shabelada Hoose, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiiru dowlaha xafiiska rayslawasaaraha Cabdullaahi Xaamud.

Sidoo kale shirka ayaa looga wada hadley sidii ciidamadu xaqooda ku heli lahaayeen taas oo dib u dhacdey labadii bilood ee u danbeysey ee xafiiska uu ka maqnaa raysalwasaare Xassan Cali Kheyre.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment