Rooble Oo La Kulmay Cabdi Xaashi

Published: May 24, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka  ayaa waxaa looga hadlay arrimaha arrimaha doorashooyinka, sida uu sheegay afhayeenka xukuumada Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

” Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Tani waxa ay qeyb ka tahay dadaallada Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku doonayo in dhamaan saamileyda siyaasadda in taladooda ay ku biiriyaan geedi socodka dhameystirka  Hishiiskii 17ka Septeembar oo aasaas u ah Shirka Qaran ee soconaya lana filayo in lagu heshiiyo”

Macalimuu

Arrimaha ugu waaweyn ee ilaa iyo hadda khilaafka doorashada ka taagan yahay ayaa waxaa kamid ah guddiga maamulaya doorashooyinka xidlhibaanada gobolada waqooyi.

Raysal Wasaaraha oo hoggaaminaya shirka qaran ee wadatashiga doorashooyinka ayaa ku mashquulsan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka hortaagan qabsoomida doorashada Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *