Rooble oo xubno ka tirsan FEIT sheegay in uu xilkii ka qaadey

Published: April 5, 2022

War ka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in xubno kamid ahaa guddigii madaxa banaanaa ee FEIT uu xubinamdiiba ka qaadey, kadib markii ay ka hor yimaadeen beegsiga afarta kursi ee uu kamid yahay kan Fahad Yaasiin Daahir, hoos ka akhri warka Rooble ka soo baxay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu bogaadinayaa dadaalka Guddiga FEIT iyo guddoonkooda iyo xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku aaddan hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxa uuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyaynayaa Xubnaha Baarlamaanka ee ilaa hadda qaatay Shahaadada xildhibannimo

Ra’iisul Wasaaruhu waxa ku boorrinayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u qaataan shahaadada xildhibaannimo una diyaar garoobaan dhaarinta xildhibaannada si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Dhinaca kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka war hayaa ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT taas oo muujinaysa damaca xafiisyada qaar ay ku doonayaan in ay ku hor istaagaan dhammeystirka doorashada dalka una weeciyaan jiho kale.

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha oo gudanaya waajibaadka ka saaran dhammaystirka doorashooyinka dalku, markii uu arkay falalka la isku dayayo in lagu carqaladeeyo hirgelinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada.

Markuu arkay warqadda sumadeedu tahay GHDHF/104/03/2022 ee ka soo baxday Gudoomiyaha Guddiga FEIT kuna saabsan in xubno ka tirsan guddigu ku keceen falal ka baxsan anshaxa shaqada oo lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddiga, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu go’aamiyay;

Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray

1.Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir
2.Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay Mudane Xasan Cali Yuusuf

Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay xubnaha kala ah:
1.Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur
2.Cabdinaasir Maxamed Guuleed
3.Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax
4.Axmed Aadan Dagaal
5.Sacdiyo Xasan Xuseen

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu uga digayaa xubnaha ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha rayidka ah iyo xukuumadda in ay ka waantoobaan falalka isugu jira cabsi gelinta iyo musuqmaasuqa ee ay ka dhex wadaan heerarka kala duwan ee guddiyada maamulka doorashooyinka, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay falalkaas ku sii socdaan.

Dhamaad

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *