Rooble: “Shacabka Muqdisho Xaq Uma Leh Inay Waddooyinku Ka Xirnaadaan” – VIDEO

Published: October 13, 2020

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen oo ka hadlayey munaasabad ayaa sheegay in shacabka Muqdisho loo furay waddooyinkii ka xirnaan jirey, talaabadaasna uu fursad u helay inuu fuliyo.

Rooble ayaa ka raaligeliyey reer Muqdisho dhibaatooyinkii ay kala kulmaan waddooyinkaas xiran, isagoo sheegay inuu bil ka hor kamid ahaa dadkaas dhibaataysnaa.

“Bil ka hor waxaan ka mid ahaa shacabka Muqdisho ee dhibaatada ku qabay xirnaashaha wadooyinka. Shacabkuna ma astaahilaan”

Raysal Wasaare Rooble

Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in jidadka Caasimadda loo furay si loo fududeeyo nolosha, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *