Rooble “Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada

Published: May 10, 2021

Ra”iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay weerrarkii kooxaha Argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Booliska Degmada Waaberi.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi. Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso”.

ayuu yiri Rooble

Rooble ayaa saraakiisha iyo dadkii ku geeriyooday qaraxa Alle uga baryay in uu u naxariisto, dhaawacyadana Allle bogsiiyo.

“Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan,Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *