Rooble: ” Waxaa naga go’an inay dhaco doorasho daah-furan, xor iyo xalaal ah”

Published: May 27, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay munaasabadda lagu soo xirayo shirka Wadatashiga qaran ayaa ka hadlay arrimo dhoowr ah oo ku aaddan waxyaabaha madaxdu ka wada hadleen iyo sidoo kale sida loo xaliyay khilaafkii taagnaa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahadceliyay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, iyo dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay shirka. wuxuuna uu sheegay in dhammaan qodobadii ugu muhiimsanaa la isku racay heshiisna la gaaray.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in ay xukuumaddiisa ka go’an tahay in heshiiskaan ay dhaqan galin doonto, sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana sidoo kale uu intaas ku daray in bulshada soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan shacabku sidii ay kaga qayb qaadan lahaayeen hirgalinta doorashooyinka.

” Sidii aan horey idiinku ballanqaaday waxaa aniga iyo xukuumadayda naga go’an dhaqan gelinta heshiiskan iyo in aan doorashada dalku galayo ku hogaamino si cadaalad ah, daahfuran, xor iyo xalaal ah oo aan cidna lagu xadgudbin insha’allaah “

Rooble ayaa sidoo kale u mahadceliyey haweenka Soomaaliyeed doorka ay ka qaadanayaan taabagelinta doorashada, wuxuuna balanqaaday inay fursad u helin doonaan inay ka qayb noqdaan golayaasha sharci dejinta.

”Iyada oo aan ka ambaqaadayno heshiiskii 17kii September, waxaa masuuliyadi naga saaran tahay, aniga iyo masuuliyiinta kale dhammaantood, in aan xaqiijinno in haweenku helaan qoondada ay ku leeyihiin goleyaasha sharci dejinta.”.

Ugu dambayn shacabka Soomaaliyeed ayuu uga mahadceliyey dulqaadkooda iyo garab istaagooda xasiloonida iyo dowladnimada.

”Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta badan waxaan uga mahad celinayaa dulqaadkii iyo garab istaaggii adkaynta xasilloonida iyo dowladnimada, aniga oo ka codsanaya in ay nagu gacan siiyaan masuuliyadda culus ee hirgalinta doorashooyinka. Waxaan marna la ilaabi karin dardaarankiinii iyo ducooyinkiinii niyadda ahaa ee aad sida joogtada ah iila wadaagayseen, kuwaas oo runtii dhaliyey guusha aan maanta ku soo afjarayno shirkan wadatashiga qaran.”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *