Ruto oo dadaal ugu jira la wareegida hogaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Kenya

Published: August 18, 2022

Madaxweyna la doortay ee Kenya William Ruto oo kulan uu la yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee lasoo doortay kana tirsan Xisbigiisa ayaa sheegay inuu xooga saarayo arrimaha xil wareejinta iyo mideynta qorshaha siyaasadeed ee xildhibaanada xisbigiisa.

William Ruto ayaa Arbacadii shalay kulan dheer la yeeshay Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka, kuwaasi oo lagu wado inay olole u geli doonaan sidii ay ulla wareegi lahaayeen guddoonka Baarlamaanka.

Ruto ayaa si kooban uga hadlay diidmada Raila ee natiijada Doorashada, isagoo sheegay in dalka Kenya uu leeyahay Garsoor adag iyo Maxkamado ay ku kalsoon yihiin, balse qorshaha hada horyaal uu yahay sidii ay u dhici lahayd xil wareejinta iyo hirgelinta qorshahooda siyaasadeed.

Dhinaca kale fariin uu Ruto u diray shaqaalaha Dowlada Kenya iyo saraakiisha ciidamada ayuu sheegay inay hawshooda gutaan oo aysan dhex gelin murranka siyaasadeed, wuxuuna sheegay inaysan jiri doonin shaqaale xilkiisa looga qaado arrimo siyaasadeed.

Raila Odinga hogaamiyaha isbaheysiga Azimo ayaa isagana shalay kulan dheer la yeeshay Xildhibaanada la doortay ee isbaheysiga uu hogaamiyo, shirkaasi oo sidoo kale looga hadlay kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka iyo doorashada Guddoonka.

Labada dhinac ayaa dadaal ugu jira inay cod ka helaan Xildhibaanada Madax-banaan ee lasoo doortay maadaama ay labada xisbi ee u waaweyn ay heystaan codod isu dhaw.

Garabka Odinga oo dhinaca kale sheegay inay dacwad ka gudbin doonaan natiijada doorashada Madaxweynaha ayaan weli si rasmi ah u gudbin dacwadooda, iyadoo ay yartahay wakhtiga dastuurka u siinayo in qoraalka dacwadaas loo gudbiyo maxkamada sare.

Baarlamaanka Kenya ayaa kalfadhigiisa ugu horeeya lagu wadaa inuu dhaco horaanta bisha soo socota ee September.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *