Ruto oo ganacsiga maandooriyaha Miiraaga iyo kaluunka kala hadley dhigiisa jamhuuriyaddan.

Published: September 14, 2022
hassan iyo william ruto

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ee dhawaan xilka la wareegay William Ruto ayaa maanta kulan gaar ah la qaatey Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. kulanka ayaa daarnaa iskaashiga labada dal ee jaarka ah, dhanka ganacsiga iyo amniga.

Ruto ayaa qoraal kooban oo xafiiskuusu baahiyey ku sheegay waxa ugu weyn ee ay ka wada hadleen laba dhinac in ay ahayd sidii loo dhisi lahaa guddi wada jir ah oo ka shaqeeya ganacisga isdhaafaya ee maandooriyaha Qaadka iyo malayga macaan.

“Waxaan si deg deg ah u daba gali doonaa hirgelinta Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya. Tani waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga Miraa iyo kalluunka waxayna fududayn doontaa isu socodka labadayada qaran.”

William Ruto

Dhanka kale qoraalka ka soo abxay Villa Soomaaliya si cad looguma sheegin ganacsiga Qaadka oo dhibaatooyin waaweyn ay ka taagnayeen, kadib markii siyaasiyiin Soomaaliyeed oo isu bedalay dullaaliin lacago khidmad ah ay iskood u sarsadeen kiilo kasta oo Qaad ah, waxaana qoraalka Villa Soomaaliya lagu yiri:

“Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay in la sii amba-qaado heshiisyada miro dhalka ah ee horey loo gaaray, gaar ahaan fududeynta socdaalka, dhiirri-gelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo saboolnimada, kuwaas oo ka mid ah caqabadaha wadajirka u curyaamiyey kobaca iyo horumarka dalalka Gobolka.”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *