William Ruto oo loo dhaariyey xilka Madaxweynihii shanaad ee dalka Kenya

Published: September 13, 2022

William Ruto ayaa loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee Kenya, xaflad ka dhacday garoonka weyn ee Moi International Sports Center Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Madaxweynaha cusub William Ruto ayaa ee maanta loo dhaariyey ayaa noqonaya madaxweynihii shanaad ee soo mara dalka Kenya.

William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA, ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 9-kii bishii Ogosto ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa sidoo kale isna maanta xilka loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.

Xafladda dhaarinta waxaa joogay madax ka socota caalamka oo ay ku jiraan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Tanzania Samiya Suluhu Xasan, iyo madaxweynayaal kale.

Ruto ayaa doorashada kaga adkaaday Raila Odinga oo markii shanaad xilkaas u tartamay, islamarkaana haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degay Uhuru Kenyatta.

Kahor dhaarinta, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii dadweyne ay isku dayeen inay xoog ku galaan halka xafladdu ka dhaceysay.

Muuqaallo ay baahiyeen taleefishinada ayaa muujiyey tobanaan qof oo isku dul dhacaya, mid ka mid ah albaabada laga galo garoonka.

Horseed Media 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *