Turkey: Kulankii Ruushka iyo Ukraine oo markale fashilay

Published: March 10, 2022

Magaalada Antalya ee koonfurta dalka Turkiga ayaa waxaa khamiistii ka dhacay kulanka Wasiirada Arrimaha Dibada ee Ruushka iyo Ukraine, dadaalkan ugu danbeeyey oo uu sameeyey dalka Turkiga ayaan lagu guuleysan.

Labada dhinac ayaa weli ku adkeysanaya shuruudaha ay ku xirayaan joojinta dagaalka oo ay ugu muhiimsan tahay Ruushka oo doonaya in Ukraine hubka laga dhigo isla markaana aysan kamid noqon Midowga Yurub iyo NATO.

Dowlada Ukraine ayaa wadahadalada ku xireysa in marka hore Ruushka dagaalka joojiyo ciidamadiisana kala baxo wadankooda.

Sadex goor oo hore oo ay kulmeen wafuuda ka kala socda labada dhinac ayaa natiijo la’aan dhamaaday, balse kulankan ayaa noqonaya kii ugu heer sareeyey oo ay labada dhinac yeeshaan tan iyo intuu dagaalka bilowday.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *