Ruushka: Nin hubeysan oo weerar ku dilay 6 qof

Published: September 26, 2022

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii Nin hubeysan uu rasaas ku furay iskuul ku yaalla bartamaha Ruushka, sida ay sheegeen saraakiisha Ruushka.

Waxaana goobta uu falkan ka dhacay gaaray gawaarida gurmadka deg deg ah iyo ciidamada amniga.

Iskuulkan uu weerarkan ka dhacay waxaa ku sugnaa 1000 ardey ah iyo 80 macalimiin ah.

Waxaa lagu soo warramaya in ninka weerarka geystay uu is dilay, lamana ogo sababta uu rasaasta ugu furay iskuulka.

Horseed Media