Ruushka oo diiday inuu hortago Maxkamada Caalamiga ICJ oo ay dacwad u gudbisay Ukraine

Published: March 8, 2022

Dowlada Ruushka ayaan wax qareeno ah usoo dirin dhageysiga dacwad ka timid dowlada Ukraine oo la horgeeyey Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ oo xarunteedu tahay The Hague, Holland.

Xukuumada Ukraine ayaa dacwadan ku saleysay dooda Ruushka oo sheegay in duulaanka uu qaaday u cuskaday ka hortagida xasuuqa dowlada Ukraine u geysaneyso dadka Ruushka ah ee ku nool gobalada Luhansk iyo Donetsk, arrintaasi oo ay xukuumada Ukraine beenisay.

Qareenada ka socda Ukraine ayaa maxkamada horkeenay cadeynmaha in dowladooda aysan sameyn wax xasuuq ah sida uu qeexayo sharuucda caalamiga ah, isla markanaa laga doonayo in maxkamada ay ku amarto Ruushka inuu ciidamadiisa kala baxo Ukraine.

Maanta oo Salaasa ah oo lagu waday in la dhageysto garabka Ruushka ayeysan soo xaadirin Qareenada dowlada Ruushka.

Dowlada Ukraine ayaa kiiskeeda ku saleysay Heshiiskii caalamiga ah ee 1948 ee ka hortagida xasuuqa (genocide) oo ay saxiixeen Ruushka iyo Ukraine.

Kiisaska maxkamada la horkeeno oo qaata muddo dheer ayaa si gaar ah dardar loo geliyey dhageysiga dacwadan si looga hortago dagaalka todobaadkii labaad ka socda wadanka Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *