Ruushka oo kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan gobolka Kherson ee dhawaan ay isaga baxeen

Published: November 21, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan gobolka Kherson ee dhawaan ay isaga baxeen.

Magaaladu oo inta badan koronto la’aan ama biyo la’aan la daalaa dhacaysa waxaa ka ag dhow warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhiya ee waddanka Ukraine ayaa ah midda ugu weyn ee ku taal qaaradda Yurub.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa ku warrantay in 15 gantaal markale lala dhacay warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhiya ee Ukraine, xilli mas’uuliyiinta Ruushka iyo Ukraine ay isku eedaynayaan weerrarka.

Wakaaladdu waxa ay soo xiganaysaa sarkaal sheegay in gantaalladaasi ay ku soo agdhaceen qeybta qashinka lagu kaydiyo ee warshadda, iyo guri lagu xareeyo shidaalka nukliyeerka loo adeegsaday.