Ruushka oo Ukraine ku eedeeyey soo ridida Diyaarad Maxaabiis siday!

Published: January 26, 2024

Dowlada Ruushka ayaa ku eedaysay Ukraine in ay si bareer ah usoo riday diyaarad militari oo ah nooca xamuulka oo siday maxaabiista askarta Ukraine, diyaaradaasi oo Arbacadii kusoo dhacday gobalka Belgorod ee Ruushka oo u dhaw xaduuda Ukraine.

Khamiistii shalay ayey baarayaasha heleen Kaydkii duulimaadka diyaarada burbrutay, waxay xalay dowlada Ruushka kulan deg deg ah oo ka dhacay Golaha Amaanka ka sheegtay in diyaaradan lagu soo riday gantaalada cirka ee Ukraine ka heshay Mareykanka iyo Germany.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Il-76 ayaa ku burburtay baadiyaha gobolka Belgorod ee dalka Ruushka, kaas oo xuduud la leh Ukraine, waxaana maamulka halkaasi ku sugnaa ay sheegeen in dhammaan 74-kii qof ee saarnaa oo ay ku jiraan 65 maxaabiis reer Ukraine ah, lix shaqaale ah iyo saddex askari oo Ruush ah ay dhinteen.

Horseed Media