RW Rooble “…Ma doonayo Kursiga Madaxweynaha…”

Published: August 12, 2021

Ra’iisul Wsaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Mombasa dalka Kenya.

Ra’iisul; wasaaraha ayaa uga warbixiyay jaaliyadda kulankii uu la qaatay xaaladda dalka iyo doorashooyinka dalka ka bilowday.

Rooble oo safarkiisa ku tagay caasimada Nairobi ayaa sidoo kale halkaasi kula kulmay xubno ka socda Jaaliyadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Raysalwasaaraha ayaa mar uu ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, sheegay in isaga loo xilsaaray hawlaha doorashada taasna ay ku aamineen Dowlad Gobaleedyada iyo Madaxweynaha uuna doonayo in bilaha u haray uu si nabad ah xilkiisa ku dhameysto.

Wuxuuna sheegay inuusan dooneyn xilka Madaxweynaha walow uu leeyahay damac siyaasadeed.

“…Afar sano kadib baan raadin hadii illaahay ii garto…”ayuu yiri Raysalwasaaraha oo ka jawaabay arrimaha la xariira khilaafka la sheegay inuu soo dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha.

Wuxuu sheegay Rooble in xafiiska Madaxweynaha kala dhaxeyso wada-shaqeyn isla markaana uu mawqifkiisa ku cadaa qoraalkii uu dhawaan soo saaray ee uu ku sharaxay awooda xukuumadiisa xil gaarsiinta, isagoo intaasi ku daray inaysan jirin wax khilaaf gaar ah oo kala dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *