RW Rooble oo amaro kasoo saaray gadiidka Xamuulka ee Muqdisho

Published: October 26, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dekadaha, Daadiidka iyo hay’adaha amniga.

Raysalwasaaraha ayaa faray in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado gaadiidka xamuulka ee badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.

Gaadiidka xamuulka ee dekada ka sooqaada badeecooyinka ayaa sababa saxmad iyo cirriiri dhanka jidadka ah waxa uuna Ra’iisul wasaaruhu faray Wasaaradaha Dekadaha, Daadiidka in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *