RW Rooble oo amaro siiyey ATMIS.

Published: April 27, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray ciidamada ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone, kahor doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota,” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo saaray.

“Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka,” ayuu yiri Rooble.

Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga” ayaa la sii raaciyey Qoraalka Rooble

Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa imaneysa ayada oo laga cabsi qabo in berri la carqaladeeyo doorashada guddoonka Golaha Shacabka, ayada oo ay jiraan warar sheegaya in Villa Somalia ay waddo qorshe noocaas ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *