RW Rooble Oo Gaaray Baydhabo

Published: December 18, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Raysal Wasaaraha ayaa qeyb gali doona munaasabadda sanad guurada 3aad ee markii la doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), isla markaana la qaadan doonna Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kulamo lagu dardargelinayo hannaanka doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *