RW Rooble Oo Hambalyo U Diray Guddiga Garabka Mahdi Guuleed Oo Is Doortay

Published: August 7, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Guddiga doorashada gobolada waqooyi ee Garabka Mahdi Guuleed oo maanta iska dhex doortay guddoon.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa dadaal iyo waqti badan galiyay sidii isfaham uu kala dhex dhigi lahaa garabyada Siyaasadda Somaliland, wallow ay guuldareysteen dadaalo kala duwan oo uu waday Ra’isul Wasaare Rooble.

“Hadaba si loo hirgaliyo doorashada oo ay ugu horreysa hirgalinta doorashada Aqalka sare ayuu Ra’isul Wasaaruhu kulan la qaatay xubnaha Guddigii 11-ka ee SIET Somalialnd isaga oo amray in dib la isu doorto ” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibrahim Macalimuu.

Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Guddoomiye u doortay inuu noqdo Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale, waxaana doorashadaasi ka maqnaa xubnaha afarta ah ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *