RW Rooble oo la kulmay Gudoomiye Aadan Madoobe & Dhabancad

Published: April 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho iyo hambalyo ugu tagay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Ra’iisul Wasaaraha oo la afuray labada mas’uul ayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay una rajeeyay guul.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka uga mahadceliyay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay.

Sidoo kale, waxa uu ku amnaanay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo si guul ah ku soo idlaatay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *