RW Rooble Oo La Kulmay Madaxweynayaashii Hore Ee Dalka

Published: August 9, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is xog wareysi waxa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sh. Ahmed iyo Xasan Sh. Maxamuud.

Raysalwasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.

Kulanka ayaa kusoo aadaya iyadoo xiriirka u dhexeeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysalwasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ay isku khilaafeen hanaanka hogaaminta dalka iyo heshiisyada lala galayo dalalka shisheeye.

Si kastaba Raysalwasaare Rooble ayaa tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafkan waxaa uu wadaa kulamo iyo wadatashiyo uu la yeelanayo siyaasiyiinta mucaaradka iyo musharaxiinta madaxweyne, wuxuuna horey ula kulmay siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *