RW Rooble oo sheegay inuusan ahayn musharax Madaxweyne

Published: May 2, 2022

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday inaanu ahayn musharax u taagan jegada madaxtinimada ee dalka.

Maalmihii ugu dambeysay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Ra’iisal Wasaaruhu damacsan yahay in uu isu soo sharaxo Xafiiska Madaxtooyada.

“Sidiiba dhici jirtay waxaan suurtagal ii ahayd in aan madaxweynenimo isu sharaxo ama doorashada u maamulo si u adeegeysa damacayga, laakiin waxaan goostay in aan dib u dhigto hankaygii siyaasiga ahaa, si aan dalkan u badbaadino, runtii way iga go’neyd in aan damacaygii dib u dhigto doorashadan, si ay noogu suurtagasho.

Taas macnaheedu ma ahan in aanan lahayn han siyaasadeed, balse waxaan gartay in aan u tanaasulo danta qaranka, sababtoo ah haddaanan danta qaranka u tanaasulin wax badanoo maanta ii suurtowday, iima suurtoobi lahayn.

Marka taas qalbiga gishta, Insha’Allah hamigayga waa jiraa, waana imaan doontaa waqtigeeda, laakiin xilligan waxaan u tanaasulay shacabka Soomaaliyeed, ummadda Soomaaliyeed, qaranka Soomaaliyeed iyo badbaadinta ummadda, intaas oo dhan ayaan u tanaasulay.” ayuu yiri Rooble

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *