Saciid Deni Oo Dib Ugu Laabtay Puntland

Published: July 14, 2022

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo mudadan safar ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa maanta dib ugusoo laabtay Puntland.

Saciid Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe kusoo dhoweeyey madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, goleyaasha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa horyaalla xalinta dhacdooyin badan oo dhacay intii uu ku maqnaa dalka dibadiisa kuwaasoo ay ugu dambaysay shaqaaqadii sababtay dhimashada iyo dhaawaca ee garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *