Sacuudi Carabiya oo shaacisay in dalkaasi ay gaareen 1.2 Milyan oo Xujeey ah

Published: June 7, 2024

Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga, ayaa shaaca ka qaadday in ku dhawaad ​​1.2 milyan oo xujey ah oo ka kala yimid dalal kala duwan oo caalamka ah ay xilligaan ku sugan yihiin dalkaasi.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa ku nuux-nuuxsaday sida madaxda sacuudiga ay uga go’an tahay u adeegidda dadka marida ah ee xujieyda,isagoo ka mahadceliyay dadaalka loo galay imaanshaha xujeyda ee goobaha barakeysan sida labada masjid ee Maka iyo madiina.

Tawfiiq Al-Rabiah waxa uu xusay in xujeydu ay si fudud oo niyad sami ah u soo gudan karaan cibaadadooda iyagoo helaya daryeel iyo foojignaan heer sare ah ,wuxuuna dhanka kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo hogaansamo shuruucda,awaamiirta iyo iskaashiga si ayuu yiri loo xaqiijiyo adeeg dhamaystiran oo loo qabto dhammaan xujeyda.

Si kor loogu qaado hufnaanta shaqaalaha ee nidaamka Xajka, Al-Rabiah wuxuu sharraxay in bilihii la soo dhaafay in ka badan 120,000 oo shaqaale iyo hoggaamiyeyaal ah ay qaateen tababar la xiriiray bixinta adeegyada loogu talagalay xujeyda.