Sacuudiga oo shaqada ka eryay Wadaado diiday inay cambaareeyaan Ikhwaan Muslimiinka

Published: December 23, 2020

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Sacuudiga, Abdullatif bin Abdulaziz al-Sheikh ayaa xaqiijiyey in ay shaqada ka fadhiisiyeen qaar kamid ah Imamadda masaajidada ku yaal dalkaasi kadib markii ay fulin waayeen inay dadka ka wacyi-geliyaan khatarta kooxda Ikhwaan Muslimiinka.

Sacuudiga ayaa u aqoonsaday dhaq dhaqaaqa Islaamiga ah ee Ikhwaan Muslimiinka urur argagaxiso, waana markii ugu horeysay oo ay wadaadada ka shaqeeya masaajidada Sacuudiga shaqada looga joojiyo kadib markii ay ka gaabsadeen in ay khudbadooda ku weeraraan Ikhwaanka.

“…Waa run waa jirtaa in shaqada laga joojiyey imaamo badan kadib markii ay fulin waayeen waajibaadkooda ka wacyi-gelinta shacabka ee khatarta fikirkaasi khaldan, taasi micnaheeda maaha inay iyagu ka tirsan yihiin Ikhwaan Muslimiinka ama taageeraan balse kaliya waxay u hogaansami waayeen awaamiirta dowlada, waxaana lagu bedalay wadaado diyaar u ah inay fuliyaan sharuucda dalka u yaal…” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa la sheegay inay hada dooneyso inay dhaqan geliso nidaam cusub oo lagu diiwaangelinayo cidda noqoneysa Imaam ama Mu’adinka masaajidada ku yaal wadankaasi, arrintaasi oo la sheegay inay iska-kaashanayaan Wasaarada Diinta iyo Wasaaradda Dowladaha Hoose.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *