Sacuudiga oo soo riday diyaarad drone oo ay leeyihiin Xuutiyiinta

Published: February 22, 2022

Lix iyo toban qof oo ay ku jiraan ajaanib ayaa ku dhaawacantay dalka Sucuudiga kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo ay soo rideen fallaagada Xuutiyiinta Yemen oo bartilmaameedkeedu ahaa garoon ku yaal boqortooyada Sucuudiga la burburiyey.

Diyaarada aan duuliyaha lahayn (Drone) ayaa la doonayey in lagu duqeeyo garoonka diyaaradaha ee King Abdullah oo ku yaala koonfur-galbeed ee gobalka Jizan.

Dhacdadan ayaa ah tii labaad ee lagu weeraro garoonka diyaaradaha in ka yar laba toddobaad oo lagu eedeeyo, ama ay sheegtaan fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *