Sacuudiga: Qarax ka dhacay Markab shidaal sida oo ku xiran dekada Jeddah

Published: December 14, 2020

Qarax weyn ayaa saaka oo Isniin ah ka dhex dhacay Markab shidaal sida oo ku xiran dekadda magaalada Jeddah, qaraxan ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa weerar.

Shirkada Markabka iskaleh ayaa sheegtay in qaraxa uusan ahayn shil balse sababay wax banaanka uga yimid, sida lagu sheegay qoraal shirkadaasi shaacisay.

Markabkan oo lagu magacaabo BW Rhine ayaa ka diiwaangashan dalka Singapore, waxaana la sheegay in dhamaan shaqaalihii saarnaa oo gaaraya 22 ka badbaadeen qaraxan.

Waxaa laga cabsi qabaa in qaraxan uu sababo in shidaalka uu markabkaasi siday uu badda ku daato taasi oo keeni karta khasaaro kale.

Dowlada Sacuudiga ayaan weli war kasoo saarin qaraxan.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa horey loogu eedeeyey in diyaaradaha drone-ka oo xambaarsan bambaanooyin ay sidan ugu weerareen dekaddaha iyo xarumaha shidaalka ee ku yaal wadanka Sacuudiga.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *