Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayey ku dhaceen 7 hoobiye

Published: December 8, 2023

Ku dhawaad toddobo madfac hoobiye ah ayaa ku dhacay dhismaha safaaradda Mareykanka ee Baqdaad xilli weerar lagu qaaday subaxnimadii hore ee Jimcihii, sida uu sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, weerarkan oo u muuqday kii ugu ballaarnaa ee noociisa ah muddooyinkan.

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa sidoo kale Jimcihii lala beegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn shan jeer oo kale Jimcihii; Saddex jeer saldhigyo kala duwan oo Suuriya ku yaalla, iyo laba jeer saldhigga ciidammada cirka ee Ain al-Asad ee galbeedka Baqdaad, sidaas waxaa yiri sarkaal kale oo ka tirsan difaaca Mareykanka.

Weeraradan ayaa ahaa kuwii ugu badnaa ee laga diiwaan geliyo ciidamada Maraykanka ee gobolkaasi hal maalin gudaheed tan iyo bartamihii bishii October, markaasoo maleeshiyaad taabacsan Iran ay bilaabeen beegsiga hantida Maraykanka ee Ciraaq iyo Siiriya, sababo la xiriira taageerada ay Washington ka siiso Israel dagaalka ay kula jirto Xamaas ee Gaza.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, oo la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mohammed Shia Al-Sudani, ayaa dhaleeceeyay weerarada, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay kooxaha hubaysan ee Kataib Hezbollah iyo Harakat Hezbollah al Nujaba.

Horseed Media