Safariida Beesha Caalamka iyo Puntland oo Shir Uga Furmaayo Garoowe

Published: June 12, 2023
Sawir hore

Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in uu Garoowe ka furmo shir heersare ah oo ay ka soo qaybgalayaan safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku bixiya taageerada, iyo maamulka Puntland, sida uu Horseed Media u sheegay sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland, haddii aan wax kale is beddelin.

Ujeedada ugu wen ee shirkan ayaa ah, sidii horey loogu socodsiin lahaa horumarka dalka gaar’ahaan dhanka arrimaha bini’aadanimada, siyaasadda iyo amniga. Shirkan ayaa imaanaya iyada oo qaar amid ah safiiradii hore ee sida weyn uga dhex muuqdey arrimaha dalka la beddalay.

Sidoo kale safiirada ayaa wada qorshe ay Puntland dib ugu celinayaan wada hadalkii Dowladda federaalka.

Mamaulka Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo bandhigaan mowqifkooda ku aadan wada xaajood ay la galaan dowladda federaalka, iyada oo maalintii shalay ee Axadda Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni la kulmey guddigii wada xaajoodka Puntland iyo federaalka ee uu magacaabey bishii Janaayo 2023.

Horseed Media