Safarka Farmaajo ee Puntland muxuu daaran yahay?

Published: March 21, 2024

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in u safar ku tago magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland maanta oo khamiis ah. Waxaa lagu wadaa in safarka Madaxweynaha ay ku weheliyaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale.

Safarka Madaxweyne hore Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xili uu si ba’an uga soo horjeedo nidaamka uu ku socdo waxka beddelka dastuurka Federaalka, kaas oo Puntland banaanka ay ka joogto.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii xalay u yeeray qaar kamid ah golihiisa wasiirada, waxaa wararku sheegayaan in uu kala hadley safarka madaxweyne Farmaajo kana codsadey in la isu diyaariyo soo dhaweyntiisa.

Ujeedka ugu weyn ee Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah sidii la isugu duba ridi lahaa qorshaha looga hortagaayo qaabka uu ku socdo wax ka beddelka dastuurka.

Farmaajo iyo Deni ayaa siyaasadda col ku ahaa mudadii uu Madaxweynaha ahaa, waxaana si weyn loo xusuustaa habeenkii Siciid Deni uu ku dhawaaqey musharaxnimada ayaa sheegay inuu ka shaqeenayo sidii meesha looga saari lahaa xukuumada uu hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu sheegay inuu khatar ku yahay xasiloonida iyo midnimada dalka.

Horseed Media