Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamed Nuur Tarsan oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho…
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamed Nuur Tarsan oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.
Danjire Maxamuud Tarsan ayaa wasiir arrimaha dibada uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay, Wasiir Maxamed ayaana talooyin iyo tilmaamo siiyay safiirka si uu u fuliyo, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow-dhow.
Dowlada Soomaaliya ayaa xalay amartay inuu dalka ka baxo Safiirkii Kenya u fadhiyey Soomaaliya Lucas Tumbo, isla markaana u yeeratay danjiraheedii Kenya Maxamed Nuur Tarsan.
Dowlada ayaa ku sababaysay eryida safiirka Kenya kadib markii dowladiisu faragelin ku samaysay gudaha dalka gaar ahaan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.
Horseed Media