Ugu yaraan 9 askeri oo lagu diley toogasho ka dhacdey Mqudsho. Waxaa kamid ah labo Imaaraati ah

Published: February 10, 2024
Shares8

War degdeg ah oo hadda soo dhacay ayaa sheegaya in toogasho ka dhacday xerada Mileteriga ee Gen Gordan magaalada Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in askeri ka tirsanaa ciidanka tababarka loo xirey rasaas la beegsadey saraakiil u dhalatey dalka Imaraadka carabta kuwaas oo ahaa tababarayaal iyo weliba saraakiil Soomaali ah.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada 9 askeri oo laba kamid ah ay u dhasheen dalka Imaraadka carabta. Waxaa dhaawac culus soo gaarey sarkaalkii u sareeyey saraakiisha Imaraadka carabta kaas oo lagu magacaabo Col Maxamed bin Mubaarak.

Sida loo xaqiijiyey warbaahinta gudaha askeriga toogashada ku luglahaa ayaa ku jiray ciidan cusub oo dhawaan loo qeybiyey hubkooda, kadib markii tababarka loo soo gabagabeeyey.

Wararku waxay sheegayaan in askeriga la toogtey oo uu ku geeriyoodey isla xerada dhexdeeda.

Ururka al-Shabaab ayaa durba sheegtey in ay weerarkan ka danbeeyeen isla markaana ninka fuliyey uu ka tirsanaa malayshiyaadkoooda.

Warkaan waa mid socda hadda oo faahfaahintiisa dib idinkala wadaageyno.

Horseed media