Saraakiil Ka Tirsan Alshabaab Oo Duqayn Lagu Dilay

Published: March 9, 2021

25 kamid ah kooxaha argagaxisada ayaa la dilay halka 15 kale dhaawac soo gaaray ka dib duqeyn lala beegsaday saldhig ay ku lahaayeen inta u dhexeysa Afgooye iyo Balcad ee gobolada shabeelooyinka, sida ay sheegeen saraakiisha xoogga dalka.

Sareeyo guuto, Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay idaacadda ciidamada xoogga (SNARADIO) ayaa sheegay in howlgal saacado qaatay lagu dilay horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa degaanada u dhexeeya Balcad iyo Afgooye, sidoo kale waxaa la burburiyay saldhigyo argagaxisada ku dhuumaaleysan jireen.

Wararka ayaa waxa ay sheegeyaan in howlgaladan ay ka mid ahayd duqeyn cirka ah oo loo geystey deegaano ay ka mid yihiin Basra iyo Daniga Baallow.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *