Saraakiil ka tirsan millateriga Itoobiya oo gaaray magaalada Garoowe

Published: August 21, 2022

Saraakiil sar-sare oo ka tirsan millateriga dalka Itoobiya ayaa ka degey magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Saraakiishan waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay taliye ku-xigeenka ciidanka Puntland, iyaga oo loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Sidoo kale Saraakiishan ayaa la filayaa inay la kulmaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hadda ka maqan magaalada Garowe.

Dowladda Itoobiya ayaa waayadan dambe weday kulamo ay qaadaneyso Madaxda Dowlad goboleedyada tan iyo weerarkii Al-Shabaab ku qaadday Dowlad Degaanka Soomaalida.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *