Sarkaal ka tirsan sirdoonka Israa’iil oo lagu dilay magaalada Quddus

Published: October 9, 2022

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in askari boolis ah oo dumar ah ay u dhimatay dhaawac ka soo gaaray rasaaseyn ka dhacday bar koontarool oo ku taal bariga magaalada Qudus.

Sidoo kale waxaa jira askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo isna dhaawac soo gaaray oo xaaladiisa ay aad u liidato.

Booliska Israel ayaa sheegay in nin looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa rasaasta la is weydaarsaday la xiray.

Sidoo kale, waxaa jira ciidamo nabad-sugid ah iyo diyaarado helicopter ah oo boolisku diyaariyeen si ay saddex qof oo kale uga baadi goobaan goobta.

Horseed Media