Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Shabaab oo gobolka Gedo lagu dilay

Published: January 29, 2017

Ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Shabaab, kadib howl gal qorsheysan oo ay ciidanka ka sameyeen gobolkaasi.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jira Cabdullaahi Qanaas, waxa uuna ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa ururka Shabaab.

Howl galka lagu dilay sarkaalkaasi ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo tuulo Barwaaqo oo ka tirsan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegayaa in sidoo kale uu ahaa horjoogihii Shabaab u qaabilsanaa Garbahaarey, Beledxaawo, Buurdhuubo iyo Luuq.

Qeybo ka mid ah gobolka Gedo waxaa weli gacanta ku haya maleeshiyada Shabaab.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *