Seerbiya oo noqotay wadamada lagu tagi karo Baasaboorka Soomaaliga

Published: October 22, 2021

Dowladda Seerbiya ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Baasabaroorka Soomaaliga kaasoo haatan dalku-gal la’aan lagu tagi karo wadankeeda sida ay sheegtay Safaaradda Soomaaliya ee Seerbiya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa horay u lahaa xiriir dheer, arrintan ayaa imaanaysa ka dib markii dadaal dheer ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay Dowlado badan ogolaadeen in Baasaboorka Soomaaliya lagu geli karo dalalkooda.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa si rasmi ah u gudbisay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka Soomaaliya.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Marwo. Vera Vukićević oo ay weheliso Ku-xigeenkeeda Marwo Mirjana Živković ayaa Safaaradda ka Gudoomiye Muunadda saxda ah Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya sedaxdiisa nooc.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa u mahad celisay Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade iyo Diplomaasiyiinta howshan fududeeyay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *